Axmed Madobe Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Culus

0
26 December, 2018 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madobe Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Culus

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole ayaa booqday Saldhiga Ciidanka Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ay halkaas ku leeyahiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole ayaa booqday Saldhiga Ciidanka Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ay halkaas ku leeyahiin.

Madaxweynaha oo Safarkan uu ku wehelinayay Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland janaraal Aadan Maxamuud Ibraahim waxaa uu halkaas kula hadlay Cutubyo katirsan Ciidamada jiida hore ku sugan isagoo sheegay in la qaadi doono howlkii ugu danbeeyay oo Jubbaland ay dhulkeeda ku xoraynayso.
Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in isku furida Magaalooyinka xorta ah iyo xoraynta kuwa aan wali gacanta ku jirin ay isku mar noqon doonto dhamaan Ciid
amada kala duwana ay heegan buuxa ku jiraan isagoo hoosta ka xariiqay in ay tahay wax wanaagsan oo lagu faano in ay Ciidamada Soomaalida kaliyah duulaan qaadi karaan oo ay dhulkooda xorayn karaan.


Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in cabdalla Biroole deeganada ku dhow sida ugu dhakhsiyaha badan loo xorayn doono isla markana dhamaan jidadka la furayo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip