Nin dilay wadaad caan ka ahaa Baydhabo oo saaka dil toogasho lagu fuliyay

0
29 December, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin dilay wadaad caan ka ahaa Baydhabo oo saaka dil toogasho lagu fuliyay

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ku fulisay nin ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo sanadkii hore ku dilay magaalada Baydhabo Wadaad caan ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ku fulisay nin ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo sanadkii hore ku dilay magaalada Baydhabo Wadaad caan ahaa

Maxamed Aadan Cali Boorow ayaa 15-kii bishii 6aad ee sanadkii 2017 ku dilay masjid ku yaal Baydhabo Sheekh Madeer madgaab Caliyo, xilli uu Salaad taraawiix ku jiray.

Waxaa Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay dil toogasho ah, markii uu qirtay, caddeymo iyo marqaatina la hor-keenay maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad G/sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Jen. Liibaan Cali Yarow ayaa goob joog ka ahaa fulinta xukunka dilka oo ka dhacday Maayafuulka ee duleedka Baydhabo.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay xukuno dil ah ka fulisay magaalada Baydhabo, iyadoo rag ka tirsan Shabaab oo qaraxyo iyo dilal maleegay sanadkii hore lagu toogtay meel fagaare ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip