Madaxweynaha Maxbuuska ah oo Diidan inuu Warbaahinta la hadlo

0
31 December, 2018 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 1028
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maxbuuska ah oo Diidan inuu Warbaahinta la hadlo

    Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada BANA ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu ka biyo diiday inuu Warbaahinta la hadlo isagoo wali diidan in uu saxaafada u sheego in asaga iyo dowlada ay heshiis yihiin kuna qanacsan yahay maamulka ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada BANA ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu ka biyo diiday inuu Warbaahinta la hadlo isagoo wali diidan in uu saxaafada u sheego in asaga iyo dowlada ay heshiis yihiin kuna qanacsan yahay maamulka gacan ku rimiska ah ee dowladu ka dhoob dhoobtay Baydhabo.


Villa Somalia ayaa wada hadal kula jirta Mukhtaar Roobow oo Maxbuus ah  shacabkiisana ay u aqoonsan yihiin madaxweyne xiran waxaana shalay la qorsheynayay inuu Warbaahinta la hadlo balse Shuruudaha qaar ayaa la isku mari la’yahay wali oo ah kuwa aan kor kusoo xusney.

Dowlada Dhexe ayaa dooneysa in  Mukhtaar Roobow ay madaxfurasho ugu dhigto beesha caalamkana ookiyaal been ah u surto oo afkiisa ku sheego in wixii khilaaf ama is fahamwaa ahaa la xaliyey laakiin wadaadka waa uu diidey beeni waa xaaran shacabkana ma qayaanayo ayuu weli taagan yahay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip