Shabaab oo Qisaas Ka fulisey Degmada Jilib

0
01 January, 2019 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo Qisaas Ka fulisey Degmada Jilib

    Maxkamada Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa xukun ku fulisay Nin lagu eedeeyey inuu kufsi u geystay qof dumar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa xukun ku fulisay Nin lagu eedeeyey inuu kufsi u geystay qof dumar ah.

Fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa xukun karbaash ah lagula fuliyay wiil dhalinyara ah oo la sheegay inuu baadiyaha degmadaas ku kufsaday haweenay carruur wadatay.

Ninka oo Al-shabaab aysan sheegin magaciisa ayaa lagu dhuftay 100 jeedal oo karbaash ah iyo musaafurin.

Fagaaraha xukunkan lagu fulinayey waxaa ku sugnaa dadweyne fara badan oo Al-shabaab ay ku wargeliyeen iney goobtaas iskugu yimaadaan si ay u daawadaan fulinta xukunkan.


Xarakada Al-Shabaab ayaa gobollada ay ka maamusho Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxay ka fulisaa xukuno isugu jira, jeedalin, gacan goyn, dil iyo kuwo kale oo lagu fuliyo dad dembiyo kala gedisan lagu eedeeyey.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip