Kim Jong-un oo u digay Mareykanka

0
01 January, 2019 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kim Jong-un oo u digay Mareykanka

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un wuxuu sheegay inay ka go'antahay burburinta hubka Nukliyerka isla markaasna ka digay inuu dhabaha macquulka ah ka weecan doono waa haddii Mareykanka uu sii wado cunaqabataynada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un wuxuu sheegay inay ka go'antahay burburinta hubka Nukliyerka isla markaasna ka digay inuu dhabaha macquulka ah ka weecan doono waa haddii Mareykanka uu sii wado cunaqabataynada.

Kim Jong-un oo hadal ka jeedinayay munaasabadda sannadka cusub ayaa sheegay in xilli kasta uu diyaar u yahay in uu la kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
 
"Haddii Mareykanku uusan ka bixin ballamihii uu nala galay, kuna adkeysto cunaqabataynta, cadaadiisna uu saaro Jamhuuriyaddeen,waxaa naga go’an in aan eego waddooyin aan ku difaaceyno awooddeena iyo danahayaga” ayuu yiri hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Mareykanka iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa bishii June ee sannadkii 2018-kii wadahadallo ku aadan barnaamijka Nukliyerka yeeshay inkasta oo natiijada kulan kaddib ay aheyd mid aan sidaas u weyneyn


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip