Xildhibaano DF ka tirsan iyo wasiir hore oo Baydhabo ka sheegay hadal aysan jecleysan Villa Somalia iyo Lafta-Gareen

0
04 January, 2019 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano DF ka tirsan iyo wasiir hore oo Baydhabo ka sheegay hadal aysan jecleysan Villa Somalia iyo Lafta-Gareen

    Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay inay halkaasi gaareen xildhibaanno iyo wasiir dhowaan iska casilay xukuumadda Soomaaliya, iyagoo ka hor yimid doorashadii ka dhacay magaalada Baydhaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay inay halkaasi gaareen xildhibaanno iyo wasiir dhowaan iska casilay xukuumadda Soomaaliya, iyagoo ka hor yimid doorashadii ka dhacay magaalada Baydhaba

Wasiirkii hore ee Howlaha guud ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka C/fataax Ibrahin Geesey,
Xildhibaad Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Fanax oo maanta gaaray magaalada Baydbaba ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen uga hadlay xaaladda maamulka K/Galbeed iyo doorashadii dhowaan ka dhacday halkaasi ee uu ku soo baxay musharixii ay wadatay dowladda Somalia ee C/casiis Lafta-gareen.

Xldhibaannadan ayaa ku dhawaaqay in doorashaddii magaalada Baydhaba ka dhacday ay aheyd mid xaaran ah oo dowladda Soomaaliya ay geysatey qof ay iyadu wadatay, balse aan ku imaan rabitaanka dadka K/Galbeed.


Wasiirkii hore Xildhibaan C/fataax Geeseey ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu diiday Dastuurka iyo Diintii, awoodna ku doonayo inuu wax ku qabsado.
 
Wuxuuna intaas ku daray in dowladda Federaalka aysan kala hadlin xildhibaanadda ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku metela, Baarlamaanka Somalia, isla markaana ay denbiyo waaweyn ka geystay magaalada Baydhaba wixii dhacayna la weydiinayo adduun iyo Aakhiro Farmaajo.

Arrintan ayaa u muuqata in mar kale olole ay wadaan xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed, waxaana xaalada sii kicinaya muranka ka dhashay qoraalkii wakiilka Q/Midoobay Nicholas Haysom u qoray Dowladda Somalia.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip