Daacish oo sheegtay in la Dilay Abuu Zubeyr oo Iclaamiyay in Soomaalida la Weeraro

0
04 February, 2019 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo sheegtay in la Dilay Abuu Zubeyr oo Iclaamiyay in Soomaalida la Weeraro

    Kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ama Daacish ayaa shaacisay geerida Muwaadin Itoobiyaan ka mid ahaa dagaalamayaashooda ku sugan Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ama Daacish ayaa shaacisay geerida Muwaadin Itoobiyaan ka mid ahaa dagaalamayaashooda ku sugan Soomaaliya.

Abuu Zubeyr Al-xabashi ayaa bishii December ee sanadkii 2017 ka soo muuqday muuqaal Kooxdu baahisay oo loogu habjabayay in la weeraro goobaha dadweynaha ee Soomaaliya.

Lama sheegin halka lagu dilay iyo sida uu ku dhintay, hase ahaatee Ururka Daacish ayaa dhowaan soo bandhigay Sawirada iyo magacyada dagaalamayaal ka tirsanaa oo ay dileen Al-Shabaab.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamaya gacan ku heynta buuraleyda Gobolka Bari oo ay ku dhuumaaleysanayaan, waxaana ku dhex maray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip