Dowlad Goboleedyada oo Cadeeyay Mowqifkooda Shirka London

0
07 February, 2019 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Goboleedyada oo Cadeeyay Mowqifkooda Shirka London

    Maalinta berito ah ayaa la filayaa in Magalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabto Shir ay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya sheegtay in lagu soo bandhigayo sahminta lagu sameeyay Shidaalka Soomaaliya,hayeeshee shirkaasi uu muran badan dhaliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in Magalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabto Shir ay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya sheegtay in lagu soo bandhigayo sahminta lagu sameeyay Shidaalka Soomaaliya,hayeeshee shirkaasi uu muran badan dhaliyay.
 
Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira ayaa kasoo horjeestay shirkaas,halka kuwo kale ay taageereen,waxaana shirkaasi ka qeybgalaya Madax ka socota Dowladda Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo Shirkado Shisheeye.

Xubno matalayay Dowlad Goboleedyada,Koonfur Galbeed,Hir-Shabeelle,Galmudug,Puntland iyo Jubbaland ayaa u ambabaxay Magalada London si ay shirkasi uga qeyb galaan.

Xubnahaas oo ka hor safarkooda la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in shirkaasi laga fidiyay warar been abuur ah,isla markana uusan aheyn mid lagu xaraashayo xirmooyin ka mid ah Shidaalka Soomaaliya.


 
Sidoo kale waxa ay sheegeen in iyagu ay metelaan Dowlad Goboleedyada,isla markaana hadii waxyaabha shirkaasi laga sheegayo ay noqdaan kuwo ax ah ay iyagu yihiin kuwo dadkooda qiyaanay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip