Dagaal Ka Socda Afgooye,Shabaab Oo Awood Lasoo Baxay & Wararkii Ugu Dambeeyey

0
19 March, 2019 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 155
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Ka Socda Afgooye,Shabaab Oo Awood Lasoo Baxay & Wararkii Ugu Dambeeyey

    Ciidamada Dawlada Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa ku dagaalamay maanta Barqadii Degmada Afgooye Duleedkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dawlada Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa ku dagaalamay maanta Barqadii Degmada Afgooye Duleedkeeda.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey markii ciidamada Dawlada Soomaaliya ay kasoo baxeen Fadhiisimo ay ku lahaayeen Mukayga oo ah Meel Caan ah oo ciidamadu degganaayeen.

Mushaar la’aan ayey Ciidanka ka cabanayeen,waxaana lasoo warinayaa in kadib weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen Al Shabaab.

Qof ka mid ah dadka deggan Tuulada Bangalay waxa uu sheegay inay maqlayeen Rasaas xoog leh balse aysan khasaaraha ogaan karin.
 
Wariyeyaal kusugan Afgooye waxay inoo sheegeen in ciidamada Dawlada ay weli la dagaalamayaan Shabaabkii soo weeraray.


Dagaalkaan waxa uu kusoo aadayaa xilli Xalay weerar sidaan oo kale Al Shabaab ku qaadeen kuna qabsadeen Degmada Balcad Ee Gobolka Sh/Dhexe.
 
Afgooye iyo Balcad waxay labaduba ujiraan 30KM Wuqooyi iyo Koonfurna uga kala beegan yihiin Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya Oo Dawlada Soomaaliya Madaxdeeda ku sugan yihiin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip