Xukuumadda oo baarlamaanka kala wareegtay u yeerista Wariyaasha soo tabinaya furitaanka Kalfadhiga 5aad

0
27 March, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo baarlamaanka kala wareegtay u yeerista Wariyaasha soo tabinaya furitaanka Kalfadhiga 5aad

    Waxaa isbadal xalay lagu sameeyay wariyaal loo diyaariyay in ay ka qayb galaan tabinta wararka ku saabsan furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo loo ballansan-yahay in maanta lagu qabto magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isbadal xalay lagu sameeyay wariyaal loo diyaariyay in ay ka qayb galaan tabinta wararka ku saabsan furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo loo ballansan-yahay in maanta lagu qabto magaalada Muqdisho.


Wariyaasha ayaa sidii caadiga ahayd waxaa ku wargeliyay ka soo qaybgalka Munaasabadda furitaanka Golaha Shacabka xafiiska Warfaafinta ee Baarlamaanka kuwaas oo waligood u xilsaarnaa arimaha warbaahinta ee Golaha Shacabka, balse waxaa mar dambe lagu wargeliyay xafiiska Warfaafinta ee Golaha Shacabka in ay baajiyaan wariyaashii ay wacayn, waxaana loo sheegay in ay Xukuumadda keeni doonto wariyaasha soo tabinaya wararka Baarlamaanka ee Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad.

Mas’uul katirsan Wasaaradda Warfaafinta oo u qaabilsan warbaahinta madaxda banaan ayaa xalay ku soo wargeliyay Tifaftirayaasha warbaahinta in ay soo dirsadaan wariyaal kuwaas oo laga hagi doono Wasaaradda Warfaafinta halka markii hore ay isku dabaridi-jireyn wariyaasha Xafiiska Warfaafinta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale wariyaasha u soo dirtay gawaari ka qaada xarumahooda oo geeyo xarunta Iskuul Buluusiya oo ay maanta ka dhacayso Munaasabdda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.

Arintaan ayaa noqotay hadal haynta ugu wayn ee maanta ka jirta magaalada Muqdisho, waxayna ku soo aaday iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyay Xukuumadda lagu eedeynayay in  ay faragelin ku hayso Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa sanadkii hore mar ay taagneed Khilaaf culus oo u dhaxeeyay isaga iyo Xukuumadda waxa uu baarlamaanka ka hor sheegay in Xukuumadda ay raadinayso curyaaminta madaxbanaanida Golaha Shacabka waxaana tan iscasilaadiisa la sheegaa in Baarlamaanka uusan u shaqaynin si madaxbanaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip