Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose & Jubbaland oo ka hadashay

0
01 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose & Jubbaland oo ka hadashay

    Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeyn ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Bu'aale ee Gobolka Jubbada Hoose Maamulka Jubbaland, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeyn ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Bu'aale ee Gobolka Jubbada Hoose Maamulka Jubbaland, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.


Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Duqeynta laga fuliyey degmada Bu’aale iyo deegaanka Jabi ee Gobolka Jubbada Hoose,isla markaana khasaaro lagu gaarsiiyey Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigeen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Maamulka Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in duqeynta sigaar ah loola beegsaday xero ay degmada Bu’aale ku leeyihiin Al-Shabaab,isla markaana lagu dilay Xubno uu ka mid yahay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab una dhashay dalka Kenya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu ku howlan yahay baarista duqeyn Xalay lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin tuulooyin hoostaga degmada Bu’aalo oo uu sheegay in qaarkood gawaari lagu gubay.

Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin warkaan kasoo yeeray Wasaaradda Amniga Jubbaland taas oo ku aadan in duqeyn ka dhacday tuulooyin hoostaga degmada Bu’aale khasaaro lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip