RW Kheyre oo shaaciyey sababta uu Madaxweynaha uga baaqday Kulanka Aqalka Sare

0
01 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Kheyre oo shaaciyey sababta uu Madaxweynaha uga baaqday Kulanka Aqalka Sare

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare, isaga oo shaaciyey sababta uu uga baaqday Madaxweyne Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare, isaga oo shaaciyey sababta uu uga baaqday Madaxweyne Farmaajo.


Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre in Madaxweyne Farmaajo uu isaga u soo wakiishay ka qeybgalka kulanka,isla markaana uu khudbad ka jeediyey furitaanka Maanta ee Kal-fadhiga 5aad.

Sababaha uu kulanka uga baaqday ayuu ku sheegay sababo Amni oo jira,balse Ra’iisul Wasaare Kheyre uusan sii faah faahin.

inta uusan furmin kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare ayaa waxaa jiray jahwareer ka dhashay cida fureysa kal-fadhiga, iyada oo guddoonka ay diidanaayeen in uu Ra’iisul Wasaaraha furo wallow markii dambe xal laga gaaray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa tira ka dhowr jeer ka baaqday furitaanka kal-fadhiyada Golaha Aqalka Sare,waxaana xusid mudan in Xildhibaanada labada Aqal aysan xilligaan wax wadashaqeyn ah ka dhaxeyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip