Wasiiro Taliyaasha ciidamada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo baarlamaanka looga yeeray

0
04 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro Taliyaasha ciidamada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo baarlamaanka looga yeeray

    Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray xubnihii ugu badnaa ee golaha wasiirada, taliyaasha ciidamada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray xubnihii ugu badnaa ee golaha wasiirada, taliyaasha ciidamada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.



Dhamaan xubnaha looga yeeray baarlamaanka ayaa su’aalo laga weydiin doonaa dhanka amaanka, gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay wasiirada iyo taliyaasha ciidamada ay ka jawaabaan su’aalaha ay u qabaan xubnaha baarlamaanka, maadaama ay bilaabeen inay la xisaabtamaan dadka masuuliyadda amaanka saaran yahay.

Xubnaha loo yeeray ayaa waxay kala yihiin:-

1- Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

2- Wasiirka gaashaandhiga Soomalaiya Xasan Cali Maxamed.

3- Agaasimaha Nabad Sugida Soomalaiya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

4- Taliyaha Xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe).

5- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed.

6- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac.

7- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow).

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dadaal adag u galay ajandaha baarlamaanka ee sabtida dhacaya sidii loogu soo dari lahaa arrimaha amaanka si wasiirada iyo laamaha amaanka wax kaga weydiiyaan.

Kulankii koowaad ee kalfadhiga baarlamaanka ayaa waxaa hareeyay buuq badan oo dhanka amaanka la xiriiray, waxaana kadib lagu dhawaaqay inuu baaqday kadib markii wasiirada xildhibaanada ay tagi waayeen baarlamaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip