Madaxweyne Dani oo wali kulamo ka wadda Boosaaso

0
06 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Dani oo wali kulamo ka wadda Boosaaso

    Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay Isimada Dhaqanka gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay Isimada Dhaqanka gobolka Bari.


Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Isimada dhaqanka ayaa daaranaa is-xog wareysi guud, kaasi oo lagaga arrinsanayey sidii wadajir looga wada-shaqaynlahaa xasiloonida, nabadda iyo wadajirka shacabka Puntland, amniga magaalada Boosaaso iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa Madaxweynaha  Puntland ku bogaadiyey wada-shaqaynta dhow uu la leeyahay iyo sida ay uga go’antahay horumarinta Puntland iyo kala shaqaynta amaanka iyo xasiloonida dalka, isimada ayaa Alle uga baryey Madaxweynaha in uu u fududeeyo shaqada adag ee uu shacabkiisa u hayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadnaqay isimada wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Dowladda iyo sida ay mar waliba uga go’antahay ka shaqaynta amaanka iyo nabada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu isimada kula dar-daarmay in ay ka qayb-qaataan horumarka ay ku talaabsatay Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip