Maamulka Hir-Shabeelle oo digniin u diray Hay'adaha Samafalka

0
07 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Hir-Shabeelle oo digniin u diray Hay'adaha Samafalka

    Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim"Daqare" ayaa sheegay in baaritaan uu sameeyey Maamulka Hir-Shabeelle lagu xaqiijiyey in Hay'adaha qaarkood ay musuq maasuq ku samee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim"Daqare" ayaa sheegay in baaritaan uu sameeyey Maamulka Hir-Shabeelle lagu xaqiijiyey in Hay'adaha qaarkood ay musuq maasuq ku sameeyeen deeqaha loogu talo galay dadka Beeraleyda ah.

Waxa uu sheegay in looga digayo Madaxda Hay’daha samafalka inay musuq maasuqaan deeqaha loogu talo galay Beeraleyda deegaanada Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle oo uu sheegay in boqolkiiba soddon oo kaliya ay gaarsiiyaan deeqaha loogu talogalay shacabka.

Hadalka Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim”Daqare” ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan uu kormeero ku tegay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buulo-burde.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip