Itoobiya oo martigelineysa shir ay ku wada hadlayaan DFS & Soomaaliland

0
08 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo martigelineysa shir ay ku wada hadlayaan DFS & Soomaaliland

    Magada Addis Ababa ee Caasimadda dalka itoobiya ayaa la filayaa in dhawaan lagu qabto shir ay ku wada hadlayaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, kaas oo ay martigelineyso dowladda Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magada Addis Ababa ee Caasimadda dalka itoobiya ayaa la filayaa in dhawaan lagu qabto shir ay ku wada hadlayaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, kaas oo ay martigelineyso dowladda Itoobiya.


Abiy Axmed Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalma ka hor ku dhawaaqay in Nabada Soomaaliya ay dan ugu jirto deganaanshaha wadamada Geeska,sidaas daraadeedna Itoobiya iyo Odayaasha Dhaqanka soomaalida ay qeyb weyn ka qaadan doonaan wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Itoobiya ayaa haatan waxaa ay jawaab ka sugeysaa wafdi ka socda Midowga yurub oo dhawaan tegay Hargeysa lana kulmay Madaxda Soomaaliland,kuwaas oo bixinaya dhaqaalaha ku baxaya wadahallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale sheegay in uu fulinayo balan qaadkiisii ahaa in uu ka qeyb qaadan doono Nabada Wadamada Geeska,isla markaana uu doorweyn ku yelanayo wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland ee la filayo inay ka qaabsoomaan Addis Ababa.

Tan iyo markii Soomaliya loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa jiray isku-dayo la doonayay inay ku furmaan wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland, hayeeshee ay fashilmeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip