Shir looga hadlayo dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmaya Mareykanka

0
08 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir looga hadlayo dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmaya Mareykanka

    Shirka dib u eegista dhaqaalaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada washington ee caasimada dalka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka dib u eegista dhaqaalaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada washington ee caasimada dalka Mareykanka.

Bangiga Adduunka iyo Hay’ada IMF, ayaa soo qaban qaabiyay shirkaan waxa uuna daba socdaa shirar sidaani oo kale looga arinsanayay dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkaas waxaa soomaaliya ku matalaya Ra’sul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, wasiirrada maaliyada, Qorsheynta iyo xubno kale oo qeyb ka ahaa wafdiga Ra’sul wasaare Kheyre.

Khiimeyn si wada jir ah ay u wadeen Bangiga Aduunka iyo Hay’ada IMF, ee la xiriirtay isbedelada dhaqaalaha Soomaaliya ayey ku sheegeen in ay jiraan hormaro dhanka maaliyada ah oo ay ku tilaabsatay Soomaaliya.

Waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in deymaha laga cafin doono Soomaaliya hadii laga helo nidaam maaliyadeed oo waafaqsan kan Caalamiga ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip