Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo shir ku qabaneysa Magalada Muqdisho

0
09 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo shir ku qabaneysa Magalada Muqdisho

    Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in Magalada Muqdisho lagu qabto shir ay soo qaban qaabisay Waaxda Qurba-joogta ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in Magalada Muqdisho lagu qabto shir ay soo qaban qaabisay Waaxda Qurba-joogta ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadli doonaa Qurbajoogga iyo isdhexgalka dadka Gudajoogga ah, iyada oo laga doodi doono daah ka rogga barnaamij falgal oo micno  u leh horumarka dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Shirka ayaa intiisa badan waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan dhalinyaro u badan Qurba-joog iyo kuwo dalka ku sugnaa waligood,iyaga oo isla gorfeyn doono kana doodi doonaan waxyaabo farabadan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya..

Shirkaan oo noociisa oo kale aan horay uga dhicin Soomaaliya ayaa saakay waxaa laga dareemayaa Magalada Muqdisho diyaar garoowgiisa,waxaana sidoo kale la filayaa inay ka qeyb galaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip