Xiisad ka taagan Gaari dagaal oo laga gubay Xildhibaan C/llaahi oo ka taagan Muqdisho & Amniga oo

0
13 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad ka taagan Gaari dagaal oo laga gubay Xildhibaan C/llaahi oo ka taagan Muqdisho & Amniga oo

    Xiisad ayaa ka taagan gaari Dagaal uu lahaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo shalay gelin dambe lagu gubay magaalada Muqdisho ka dib dagaal dhexmaray Ciidamo Militari ah iyo Kuwo boolis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisad ayaa ka taagan gaari Dagaal uu lahaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo shalay gelin dambe lagu gubay magaalada Muqdisho ka dib dagaal dhexmaray Ciidamo Militari ah iyo Kuwo boolis ah.

Warar aan ka heleyno Xildhibaanka ayaa sheegaya inuu Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay iney dooneyso iney baabi’iso hantidiisa,wuxuuna ka dalbaday in loo gudo.

Sidoo kale,maanta oo sabti ah ayaa la dareemayaa xiisad ka taagan goobtii shalay uu dagaalka ka dhacay ee Isgosyka Maana-booliyo,halkaas oo la soo dhigay Ciidamo oo aad u hubeysan,kuwaas oo si aad ah u feejigan.

Waxaana laga cabsi qabaa iney weerar rogaal celis ah soo qaadaan Ciidamadii Militariga ahaa,kuwaas oo dhib xooggan lagu gaarsiiyay dagaalkii shalay.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegan in marka hore uu dagaalku ku bilowday,kadib markii Ciidamo Milateri ah oo watay gaadiidka nooca dagaalka kana yimid dhinaca  degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay isku dayeen inay maraan Wadada,waxaana ka diiday Ciidamo Boolis ah oo ku sugaa isgoyska Maana-Booliyo,sidaasina uu ku bilowday dagaalka.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay iska horimaadka oo labad kamid ah ay yihiin Ciidankii dagaalmay,halka labada kalena ay ahaayeen dad shacab ah oo xiligaas ku sugnaa halkaasi.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ay uga hadlayaan iska horimaadkii galabta ka dhacay isgoyska Maana-Booliyo ee Magaalada Muqdisho




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip