Madixii Hay'adda Ammaanka iyo Sirdoonka Suudaan oo is-casilay

0
13 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madixii Hay'adda Ammaanka iyo Sirdoonka Suudaan oo is-casilay

    Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu is-casilay Madixii Hay'adda Qaranka ee Ammaanka iyo Sirdoonka ee dalkaasi (NISSS), Salaax C/llaahi Maxamed Salaax oo lagu naanayso Saalax Goosh, kadib, markii ay Dibadbaxayaasha cadaadis ku saareen si uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu is-casilay Madixii Hay'adda Qaranka ee Ammaanka iyo Sirdoonka ee dalkaasi (NISSS), Salaax C/llaahi Maxamed Salaax oo lagu naanayso Saalax Goosh, kadib, markii ay Dibadbaxayaasha cadaadis ku saareen si uu isku casilo.

Waxaa uu ahaan jirey Ninka 2-aad ee ugu saamaynta badan dalka Suudaan, marka laga soo taago Madaxweynihii hore, Cumar Xasan Albashiir, waxaana Hay’adaasi lagu eedeeyey inay ku lug lahayd dilkii Dibadbaxyaashii  codsanayey in la soo af-jaro Xukunka Milliteriga.

Waa mas’uulkii 2-aad ee xilka ka dega, iyadoo  Jeneral Axmed Cawad Bin Coof uu xalay ka degay xilka Madaxa Golaaha KMG ee Milliteriga (TMC), kadib, hal maalin kadib, markii uu xilkaasi qabtay, iyadoo ay Dibadbaxayaasha codsanayaan Isbedel Siyaasadeed oo Degdeg ah.

Wakaalladda Wararka Suufaan ee SUNA waxay maanta sheegtay inuu Madaxa Cusub ee Golaha KMG ee Milliteriga Suudaan, Jeneral C/fataax C/raxmaan Al-burhaan waxa uu oggolaaday Is-casilaadda Madixii Sirdoonka dalkaasi,  Saalax Gos.

Dhinaca kale, afhayeenka Boliska Suudaan, Haashim Cali ayaa sheegay in ugu yaraan 16 qof lagu dilay 20-kalena lagu dhawacay xabbado wiifto ah oo ku dhacday qaar ka mid ah Dibadbaxayaashii ee maalmihii iKhamiista iyo Jimcaha ku bannan baxaysay caasimadda dalkaasi ee Khartuum.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip