Mareykanka oo ka hadlay dilka Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia

0
16 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo ka hadlay dilka Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia

    Dowladaha Maraykanka iyo Somalia waxay xaqiijiyeen in Ku-xigeenkaasi lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo bishan 14-di ika dhacday Tuulladda Xiriiro ee duleedka Degmadda Qandala ee Gobalka Bari ee Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Maraykanka iyo Somalia waxay xaqiijiyeen in Ku-xigeenkaasi lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo bishan 14-di ika dhacday Tuulladda Xiriiro ee duleedka Degmadda Qandala ee Gobalka Bari ee Puntland.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeyn ku dileen Sarkaal Sare oo ka tirsan Daacish-ta Somalia.

AFRICOM waxay sheegtay inay dileen C/xakiim Maxamed Ibraahim "C/xakiim Dhuqub” oo ahaa Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia, kaasi oo horey xilkaasi kala wareegay Ku-xigeenkii hore ee Daacish-ta Somalia, Mahad Macallim, kaasi oo sannadkii hore lagu dilay magaalladda Muqdisho.

AFRICOM waxay kaloo sheegtay in C/xakiim Dhuqub mas’uul ka ahaa Hawl-galladda Maalinlaha ee Daacish-ta Somalia, qorsheynta weeraradda iyo dhaqaale-ururinta.

Kooxda Daacish-ta Somalia oo uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin waxay Saldhigyo ay ka hawl-galaan ku  leeyihiin Puntland, waxayna mas’uul ka yihiin toogasho, qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka dhacay guud ahaan dalka Somalia tan iyo sannadkii 2016-kii.

Si kastaba ha ahaatee, duqeynta Diyaaradeed ee ay Maraykanka ku dileen C/xakiim Dhuqub ayaa ah kii ugu horreeyey ee ay Milliteriga Maraykanka ku beegsadeen Kooxda Daacish-ta Somalia tan iyo bishii November ee sannadkii 2017-kii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip