BANAANBAXA LOOGU SOO HORJEEDO DOWLADA NAAS IYO NIKAAX EE SOOMAALIYA OO KA DHACAY DOWNING STREET LONDON

0
17 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 313
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    BANAANBAXA LOOGU SOO HORJEEDO DOWLADA NAAS IYO NIKAAX EE SOOMAALIYA OO KA DHACAY DOWNING STREET LONDON

    MAGAALADA London ee wadanka Ingiriiska ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo loogu soo horjeedo Dowlada 8 FEBRUARY ee Soomaaliya iyo Dowlada Qatar . Banaanbaxayaasha oo si weeyn ugu careeysnaa xaalada Amni darada Iyo Cadaalad la�

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAGAALADA London ee wadanka Ingiriiska ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo loogu soo horjeedo Dowlada 8 FEBRUARY ee Soomaaliya iyo Dowlada Qatar . Banaanbaxayaasha oo si weeyn ugu careeysnaa xaalada Amni darada Iyo Cadaalad la'aanta ka jirta Dalka Soomaaliya Dibadbaxashaasha ayaa waxa ay Dalbanaayeen in si deg-deg ah Cadaalada loo horkeeno Shakhsiyaadkii ka danbeeyay xasuuqii magaalada baydhabo ka dhacay intii u dhaxeeysay 13 December ilaa 15 December ee sanadkii hore iyo in Murashax Madaxweeyne Mukhtaar Rooboow in si deg-deg ah Cadaalada loo horkeeno ama si shuruud la'aan ah Xuriyadiisa loo siiyo isagoo sifa aan sharci eheeyn u xiran in ka badan 125 Maalmood .

Sidoo kale banaanbaxayaasha waxeey si weeyn ugu careeysnaayeen Xaalada Amni darada baahsan ee magaalada Muqdishow ka jirto iyadoo dhamaan wadooyinkii halboowlayaasha oo dhan laga xiray shacabka iyo Gaadiidka oo ay Hooyinka wadooyinka ku Umulayaan kuwana ay Dhiig bax u dhimanayaan iyo Dilalka joogtada ah oo ay Ciidamada Dowlada ku haayaan Dhalinyarada wadayaasha Mootada Bajaajka ee magaalada Muqdishow , intii uu banaanbaxa socday waxaa warbaahinada Caalamka la hadlay Qaban-qaabiyayaasha BANAANBAXA.



 Ugu danbeeyntii waxeey Madaxweeyne Farmaajo ugu baaqeeyn in uu iska casilo xilka iyagoo u sababeeyay dhoowr arimood oo ay ugu horeeyaan Amniga iyo Cadaalada  . Banaanbaxa ayaa ku soo gabagaboobay GUUL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip