Siyaasi sheegay in Mucaaradka Dowladda banaanbaxyo ka abaabulayaan Muqdisho

0
17 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi sheegay in Mucaaradka Dowladda banaanbaxyo ka abaabulayaan Muqdisho

    Siyaasiga Salaad Cali Jeele oo ah la taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arimaha Siyaadda oo xalay Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu jiro banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo dowladda kaas oo la qorsheynayo in Muqdisho maalm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Salaad Cali Jeele oo ah la taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arimaha Siyaadda oo xalay Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu jiro banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo dowladda kaas oo la qorsheynayo in Muqdisho maalmaha soo socdo uu ka dhaco .

Waxa uu sheegay in banaanbaxa ay qaban qaabinayaan Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowladda kasoo horjeeda ayna u adeegsanayaan dadka barakacayaasha ah ee kunool Magaalada Muqdisho,isaga oo sheegay in lagu bixinaayo qarashaad farabadan .

Waxa uu tilmaamay in Siyaasiyiinta qaban qaabinaayo banaanbaxa uu qeyb ka yahay  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Sanoter Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake kaas oo uu sheegay in lacago uu kasoo qaatay dowladda Imaaraadka Carabta uuna ku doonayo in dowladda iyo Shacabka uu iska horkeeno.

Si kastaba weli dhankooda wax war ah kama soo bixin siyaasiyinta mucaaradka ah ee Siyaasi Salaad Cali jeelle uu ku eedeeyey inay abaabulayaan banaanbax ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip