Taabid Cabdi oo lacag badan ku bixinaya baraha bulshada si uu cadaadis saaro Farmaajo

0
20 April, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taabid Cabdi oo lacag badan ku bixinaya baraha bulshada si uu cadaadis saaro Farmaajo

    48dii saac ee lasoo dhaafay waxaa xoogeystay wararka sheegaya in duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed uu dib ula shaqeyn doono maamulka Villa Soomaaliya. Warkaan waxaa xoogiisu u yaala baraha bulshada, gaar ahaan Facebook.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

48dii saac ee lasoo dhaafay waxaa xoogeystay wararka sheegaya in duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed uu dib ula shaqeyn doono maamulka Villa Soomaaliya. Warkaan waxaa xoogiisu u yaala baraha bulshada, gaar ahaan Facebook.


Thaabit Cabdi ayaa lacag farabadan ku bixinaayo in la buunbuuniyo si Farmaajo uu xil ugu dhiibo, maadaama uu MW Farmaajo uu aad ula socdo dhaqdhaqaaqa Facebook.

Arrintaan oo ah mid abaabulan aya Thaabid Cabdi waxaa uu howl geliyay dhalinyaro gaareysa ilaa 50 kuwaasoo ku faafinaya Facbook in Thabid uu la heshiiyay MW Farmaajo isla markaana loo magacaabi doono wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, oo hal wasaarad laga dhigi doono, meesha ay hada ka yihiin labo wasaaradood, halka beesha Habar Gidir la siin doono wasaarada warfaafinta iyo taliye ciidan oo sare.

Thaabid Cabdi ayaa gobolka Banaadir kala baxsaday adduun dhan 5 Milyan oo doollar sida ay ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen . Dadka arrintaan faafinaya marka la eego, waxaa la fahamsan yahay iney tahay aqbaar aan jirin balse culeeska lagu saarayo Farmaajo si uu meel uun uu ugu magacaabo Thaabid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip