Ciidamo ka tirsan kuwa Xooga dalka oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

0
10 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo ka tirsan kuwa Xooga dalka oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

    Wararka ka imaanaya Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka.


Ciidamada Saaka aroornimadii gaaray Magaalo Xeebeedka Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay iskugu jiraan ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka qeybtooda Galmudug iyo Ciidanka Kumaandoosta Xoogga Dalka DANAB ee qaybta 21 aad, Waxayna ciidamadan xalay ka baxeen magaalada Cadaado, Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Hobyo gaaray ayaa waxaa horkacayey taliyaha NISA qeybta Galmudug Cabdi Dheere iyo Taliyaha DANAB Qeybta 21 aad Qooje sida ay sheegayaan wararka ka imaanayao Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Lama oga ujeedada safarka ciidankan, waxaana goobjoogayaal ku sugan degmada Hobyo soo sheegayaan in ciidanka fadhiisimo ka sameysteen gudaha iyo banaanka Magaalada, Sidoo kale saraakiisha wadata ciidankan ayaa kormeeray dekedda Hobyo.

Madaxweynaha Galmuduga Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhowr mar hore ku eedeeyay Ciidanka NISA qaybtooda Galmudug iyo ciidanka qaybta 21 aad ee ka howl gala Bartamaha Soomaaliya in Dowlada Soomaaliya ay u adeegsanayso duminta Maamulkiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip