Shaqaale ka tirsanaa Wasaaradda amniga oo lagu dilay Muqdisho

0
11 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaale ka tirsanaa Wasaaradda amniga oo lagu dilay Muqdisho

    Koox hubeysan ayaa xalay salaadda Taraawiixda kaddib waxaa ay qof ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda amniga Soomaaliya ku dileen Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox hubeysan ayaa xalay salaadda Taraawiixda kaddib waxaa ay qof ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda amniga Soomaaliya ku dileen Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.


Dilka waxaa loo geystay Cali Maxamed, oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda amniga Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen dad ku dhow marxuumka la dilay.

Ciidamada Booliska Saldhigga Boondheere oo uu hoggaaminayay Taliyaha Booliska degmadaas Najiib Carab ayaa tagay halkii uu dilkaas ka dhacay.

Howlgal ay Ciidamada Booliska ka sameeyeen agagaarka halkii uu dilka ka dhacay ayey ku qab qabteen koox dhallinyaro ah,kuwaas oo markii dambe loo gudbiyay laanta Dambi baarista ee Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.

Waa dilkii ugu horreeyay Bishan ee ka dhaca Muqdisho oo ay geystaan kooxaha Baskooladaha ku hubeysan ee inta badan dilalka ka geysan jiray Muqdisho.

Bishan Ramadaan ugu yaraan saddex dil oo lagu dilay dad rayid ah iyo askarba waxaa geystay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip