Kenya oo kordhisay miisaaniyadda ku baxaysa muranka Badda ee kala dhaxeeya Somaliya

0
14 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo kordhisay miisaaniyadda ku baxaysa muranka Badda ee kala dhaxeeya Somaliya

    Dowladda Kenya ayaa sare u qaadday lacagaha ay ugu talagashay in ay ku wajahado kiiska muranka dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa sare u qaadday lacagaha ay ugu talagashay in ay ku wajahado kiiska muranka dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya.


Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa Todobaadkii la soo dhaafay Baarlamaanka Kenya horgeysay miisaaniyadda cusub ee loogu talagalay qareennada difaacaya Kenya.

Miisaaniyadda sanadkii hore ee kiiskan ee dhinaca Kenya ayaa gaareysay Sh1.7 billion oo lacagta Kenya ah,waxaa ay hadda gaarsiiyay ilaa Sh2Bilyan oo shilinka Kenya ah.

Kororka ay ku dartay ayaa gaaraya ilaa Sh300Milyan oo shilinka Kenya ah,waxaana saraakiisha Wasaaradda maaliyadda ay sheegeen in Kiiska oo dib loo billaabayo bisha September ee sanadkan uu u baahanyahay miisaaniyad dheeraad ah iyaga oo ka codsaday in Baarlamaanka uu meel mariyo.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay ku muransanyihiin Badda gaar ahaan xad badeed gaaraya 100KM2.

Kenya waxaa ay sheegeysaa in haddii kiiskan loo xukumo dhinaca SOomaaliya ay weyn doonto qeyb ka mid ah berriga sidaas darteedna aysan ku qanci karin xukun noocaas ah.

Waxaa kale oo ay Warbaahinta Kenya baahinayaan in inta badan Waddamada Caalamka aysan dhaqan gelin xukunnada Maxkamadda ICJ islamarkaana la dafiro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip