Danjiraha cusub ee UK u qaabilsan Israel oo is barbardhig ku sameeyay Muqdisho iyo Tel aviv

0
14 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjiraha cusub ee UK u qaabilsan Israel oo is barbardhig ku sameeyay Muqdisho iyo Tel aviv

    Dowladda UK ayaa danjiraheedii hore ee Soomaaliya u magacowday in uu noqdo danjiraha cusub ee u qaabilsan Israel.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda UK ayaa danjiraheedii hore ee Soomaaliya u magacowday in uu noqdo danjiraha cusub ee u qaabilsan Israel.


Neil Wigan, oo ka hadlayay magacaabistiisa kaddib markii uu tagay Caasimadda Maamulka Israel ayaa waxaa uu sheegay in Muqdisho iyo Tel Aviv uu u dhaxeeyo farqi weyn oo dhinaca amaanka ah.

"muddadii aan ahaa safiirka UK ee Soomaaliya,waqtigeyga ugu badan waxaan ku qaadanayay xafiiskeyga sababta oo ah amaanka aad ayuu halis ah ahaa lamana socon karin” ayuu yiri Neil Wigan.

Waxaa kale oo uu sheegay in Tel Aviv oo uu 2002 ilaa 2006 ka ahaa madaxa siyaasadda  ee safaaradda Ingiriiska uu ku faraxsanyahay in uu dib ugu soo laabto.

Waxaa uu danjiraha UK ee Soomaaliya ahaa intii u dhaxeysay 2013 ilaa  2015,waxaana isaga oo dhoolla caddeynaya uu yiri "jagooyinka Soomaaliya iyo Israel wax farqi ah uma dhaxeeyaan”.

Neil Wigan, ayaa rajeeyay in nolosha Tel Aviv aysan la mid noqon doonin tii Muqdisho oo uu sheegay in uu ku shaqeynayay xaalad amni sugid ah oo aad u adag.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip