Roobab Khasaare gaystay oo ka da'ay Gobolka Sanaag.

0
14 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Khasaare gaystay oo ka da'ay Gobolka Sanaag.

    Wararka ka imaanaya tuulada Qayaadsame oo hoostagta degaan lagu Magacaabo Alxamdullilaahi ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi 4 carruur ah ay kula tageen biyaha roobka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya tuulada Qayaadsame oo hoostagta degaan lagu Magacaabo Alxamdullilaahi ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi 4 carruur ah ay kula tageen biyaha roobka.

Qoysas reer guuraaya oo miyiga tuuladaasi deggan ayaa sida la sheegay daadad ku soo rogmay kala tageen 4 carruur ah balse weli faahfaahin dheeriya lagama hayo nol iyo geeri caruurtaas.

Dadka deegaanka oo u badan dad reer miyi ah ayaa wada qorshe ay doonayaan in ay soo bad baadiyaan Caruurtaas oo saacado badan maqan.

Dhinaca kale roobabka gu’ga ayaa khasaare ka geystay degaanno kala duwan oo kamid ah Puntland sida ay soo sheegayaan bulshada ku dhaqan deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.

Degmada Badhan ee gobolka Sanaag ilaa 40 guri ayaa xalay ku dumay roob saacado badan ku da’ayay sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Ismaaciil Ciyoon.

Sidoo kale daadad xooggan oo xalay ku burqaday togagga u dhexeeya magaalooyinka Qardho iyo Carmo ayaa xannibay isu’socodka gaadiidka ee laamiga dheer.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip