Madaxweyne Waare oo sheegay in maamulkiisu imtixaanaadka dugsiga sare oo u gaar ah ay samaysanayaan.

0
14 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waare oo sheegay in maamulkiisu imtixaanaadka dugsiga sare oo u gaar ah ay samaysanayaan.

    Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar ayaa la hadlayay boqolaal arday ah oo saaka isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Jowhar waxana uu ku amray guddiga qaadista imtixaanka oo ay wasaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar ayaa la hadlayay boqolaal arday ah oo saaka isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Jowhar waxana uu ku amray guddiga qaadista imtixaanka oo ay wasaarada waxbarashada Dowlada federalka soo dirty in ay dib ugu laabtaan Muqdisho.

Madaxweynaha Waare ayaa sheegay in maamulkiisu uu si gaar ah u sameysanayo imtixaanka dugsiyada sare kadib markii dowlada federalka ay ku dhowaaqday in la baabi’iyay imtixaanka oo dhan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare in uu dhisi doono gudi qaabilsan Imtixaanka Hirshabeellana ay Masuul ka noqo doonta Imtixaamka ay galayaan arday wax kabarata deegaanada Hirshabeelle.

Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada in ay isla xisaabtan sameyso oo si deg-deg ah cidii fashilisay imtixaanka tallaabo loogaga qaado.

"Maanta wixii ka dambeeya waxbarashada ardayda Hirshabelle waxaa mas’uul ka ah dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Warka ka soo yeeray Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku soo beegmaya xilli kumanaan arday oo ka cabanaya baabi’inta imtixaanka dugsiyada sare ay maanta ka dhigeen magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ka mid ah magaalooyika dowlad goboleedka Hirshabelle.

Sidoo kale barnaan baxyo kuwaan lamid ah waxa ay maanta ka dheceen Magaalooynka waawayn ee dalka Sida Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho,Kismaayo, Dhuusamareeb iyo degmooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya.

Marka laga soo Tago Hirshabeelle Maamulada kale dalka kama hadlin dib u dhaca ku yimid Imtixanaadka dowlada Soomaaliya ay qaadaysay ee 2018/2019 oo wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Bare uu la xalay ku dhawaaqay in dib loogu laabanayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip