Taabit Cabdi" Waa nasiib darro waxa ku dhacay ardayda Soomaaliyeed

0
15 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taabit Cabdi" Waa nasiib darro waxa ku dhacay ardayda Soomaaliyeed

    Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana duqa Muqdisho ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Awooda Shacabka Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay Go'aankii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu ku joojiyey Imtixaankii socday iyo banaanbaxyadii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana duqa Muqdisho ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Awooda Shacabka Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay Go'aankii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu ku joojiyey Imtixaankii socday iyo banaanbaxyadii ay dhigeen Ardayda.


Taabit Cabdi waxa uu sheegay in nasiibdarro ay tahay waxa ku dhacay Ardayda Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka Berito ee dalka,waxaana uu u rajeeyey Wasaaradda Waxbarashada,Ardayda iyo Waalidiinta ay isku ragti ka noqdaan Imtixaanka,isla markaana muranka jira laga gudbo.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay tahay waajib saaran qof walba oo Soomaali ah in uu dhageysto cabashada Ardayda Soomaaliyeed loona baahan yahay in loo dabacsanaado, si wadajir iyo wadashaqeyn looga gudbo wixii dhacay.

Go’aankii habeen ka hor Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu ku joojiyey imtixaankii fasalka 12aad ee shahaadiga ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ay dhigeen Ardayda Soomalaiyeed badankood iyo go’aano ay qaateen Maamulada qaar ee dalka ka jira.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip