Ra'iisul wasaare Kheyre: dhalinyada maanta waxaa laga doonayaa halgankii SYL oo kale.

0
15 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Kheyre: dhalinyada maanta waxaa laga doonayaa halgankii SYL oo kale.

    Ra'iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka May oo ku beegan 76 guuradii kasoo wareegtey aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka May oo ku beegan 76 guuradii kasoo wareegtey aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.


Ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in looga baahanyahey Dhalinyarada Soomaaliyeed mid lamida halgankii SYL ay u soo halgameen Xorminada iyo dib udiska dalka Soomaaliyeed.

"Dhallinyarada maanta waxaa la idinka doonayaa halgan lamid ah kii halgamayaashii SYL ee xornimada gaarsiiyay dalkeenna. Waxaa waajib idinka saaran yahay dib-u-dhiska dalka iyo sameynta is bedel dhab ah oo inoo horseeda nabad iyo horumar”ayuu Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

15-ka May ayaa sanad kaste lagu Xusaa Soomaaliya waana Markii la aas-aasay ururkii SYL sanadku markuu ahaa 1943, kaas oo ay dhidibada u taageen 13 dhallinyaro Soomaaliyeed oo hadafkoodu ahaa sidii ummada Soomaaliyeed ay uga xoroobi laheyd Gumaystihii xilligaasi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip