Qaramada Midoobey oo sheegtay in qaraxyada Al-shabab lagu sameeyo gudaha dalka

0
18 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobey oo sheegtay in qaraxyada Al-shabab lagu sameeyo gudaha dalka

    Hay'adda Mine action ee qaramada Midoobey u qaabilsan Miina baarista iyo Hay'ado kale ayaa sahan iyo baaris ku sameeyay waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada ay AL-shabaab ka geystaan Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Mine action ee qaramada Midoobey u qaabilsan Miina baarista iyo Hay'ado kale ayaa sahan iyo baaris ku sameeyay waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada ay AL-shabaab ka geystaan Soomaaliya.


Warbixinta qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in tan iyo bishii July ee sanadkii hore ay Al-shabaab fuliyeen 19 weerar oo loo adeegsaday gaadiid laga buuxiyay walxaha qarxa.

Inta badan dadka sahankan sameeyay ee la shaqeynayay qaramada midoobey lama shaacin magacooda,waxaana warbixitan ay ku soo bandhigeen kulan dood ahaa oo ay qabatay qaramada Midoobey.

Maaddooyinka kala duwan ee laga sameeyo qaraxyada ayey sheegeen in ay u badan tahay in aysan helin Karin AL-shabaab,haddana marka la weeraro meela ay ku suganyihiin AL-shabaab laga helo maaddooyinka halista ah ee laga sameyn karo qaraxyada sida ammonium nitrateama  potassium nitrate kuwaas oo loo adeegsan karo bacriminta walaxda qaraxyada.

Inta badan warbixinta waxaa lagu xusay in Al-shabaab adeegsadaan Rasaasta Hoobiyaha, biraha, iyo haraadiga qoryaha waaweyn.

Tusaale weerarkii Soobbe ayaa warbixinta lagu sheegay in loo adeegsaday ugu yaraan 600 oo qalfoofta rasaasta Hoobiyaha ah, haraadiga qalfoofta qoryaha waaweyn iyo maaddooyin kale oo la isku daray.

Weerar Ciidamada dowladda ay ka fuliyeen meel ka mid ah Muqdisho ayaa lagu sheegay warbixinta in laga helay maaddooyin kiimikaad oo ay ka midyihiin aluminum paste.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo warbixintan aragtay ayaa la xiriirtay dowladda Soomaaliya,waxaana ay ka gaabsatay ka jawaabista weydiimaha Reuters, sidoo kale waxaa ay la xiriirtay Charles Imbiakha, oo ah Afhayeenka AMISOM oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa isaguna ka gaabsaday.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in ay dhabar jab ku tahay dadaallada beesha Caalamka ay ku doonayaan in lagu jebiyo Al-shabaab iyada oo ay sare u kaceen weerarrada Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip