Guddoomiye Waaxeed xalay lagu dilay Muqdisho

0
21 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Waaxeed xalay lagu dilay Muqdisho

    Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa xalay degmada Howlwedaag ee magaalada Muqdisho ku dilay nin da' ahaa, kaasoo ku sii jeeday masaajid, xilligii Sallaadii Cishaha iyo Taraawiixda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa xalay degmada Howlwedaag ee magaalada Muqdisho ku dilay nin da' ahaa, kaasoo ku sii jeeday masaajid, xilligii Sallaadii Cishaha iyo Taraawiixda.


Sida wararku sheegayaan ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Ugaas (Gaab) ayaa ahaa Guddoomiyaha Waaxda Saqaawu Diin ee degmada Howlwadaag, iyadoo si weyn looga yaqaanay degmada.

Marxuumka ayaa laba dhalinyaro ah oo hubeysan waxa ay ku dileen, isagoo marayay ka soo horjeedka xarunta Jaamacada Soomaaliya ee ku taala inta u dhexeysa isgoysyada Sayidka iyo Howlwadaag, iyadoo Saddex xabadood ay uga dhufteen qeybta sare ee jirka.

Ciidamo ka tirsan laamaha amaanka oo toogashada kadib tagay halka dilka uu ka dhacay, ayaa sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah ka soo bixin, waxeyna gaari Ambalaas ah ku qaadeen meydka marxuumka oo ay geeyeen xarunta baarista dambiyada ee C.I.D.

Bishan Ramadaan ayaa waxaa kordhay dilalka ay geystaan kooxaha bastooladaha wax ku dila, waxaana la sheegay in dadka la dilay bishan ku dhow yihiin 10 ruux.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip