Maxkamad xukun ku riday Sarkaal ka tirsanaa dowladii Siyaad Barre

0
22 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad xukun ku riday Sarkaal ka tirsanaa dowladii Siyaad Barre

    Sarkaal horey uga tirsanaa Ciidamadii Millatariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre oo maalmahan ay maxkamadi uga socotay Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa Xeer-beegti qaadeysay dacwaddiisa ay ku heleen mid ka mid ah laba eedeymood oo loo he

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal horey uga tirsanaa Ciidamadii Millatariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre oo maalmahan ay maxkamadi uga socotay Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa Xeer-beegti qaadeysay dacwaddiisa ay ku heleen mid ka mid ah laba eedeymood oo loo heystay.


Korneyl Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaano Tuke ayaa lagu helay eed aheyd inuu masuul ka ahaa jir dil 31 sanadood ka hor loo geystay Farxaan Maxamuud Taani Warfaa, waxeyna maxkamaddu ku xukuntay inuu bixiyo lacag gaareysa 500,000 kun oo dollar oo magdhawo ah.

Qareen ka tirsan Hay’adda CJA oo u doodayay Farxaan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay qaabka uu u dhacay xukunka oo ay mudo dheer sugayeen,isla markaana ay ku qanacsan yihiin xukunka haatan lagu riday  Korneyl Yuusuf Cabdi Cali.

Farxaan oo ah Shaqsiga dacweeyay Korneyl Yuusuf Cabdi Cali ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dambi looga galay mid ka mid ah wadamada Geeska Afrika in lagu qaado dal Shisheeye oo Mareykan ah.

Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip