QM oo balan qaaday soo celinta xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Somalia

0
23 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo balan qaaday soo celinta xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Somalia

    Howlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen inay dib u soo celinayaan xiriirkii wadashaqeyneyd ee kala dhaxeeyay Soomaaliya markii Dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobay u joogay S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen inay dib u soo celinayaan xiriirkii wadashaqeyneyd ee kala dhaxeeyay Soomaaliya markii Dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobay u joogay Soomaaliya ee Nicholas Haysom.


Ku-xigeenka Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia (UNSOM),Raisedon Zenenga ayaa sheegay in meel wanaagsan ay xilligaan marayaan wadahadalada ay la leeyihiin Soomaaliya si looga gudbo caqabadii ka dhalatay khilaafkii dhacay horaantii sanadkaan.

Isaga oo ka hadlayay shir ay lahaayeen Golah Ammaanka ayuu sheegay in booqashoo ay Muqdisho ku timid Madaxa Siyaasada ee Qaraamda Midoobay Rosemary DiCarlo lana kulantay ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ay wax ka bedeshay xiriirkii dowladda Federaalka iyo Qaramada Miboobay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kualnkaas waxyaabihii kasoo baxay ay qeyb ka ahaayeen in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu u balan qaaday in si wanaagsan ay dowladda Federaalka ula Shaqeynd oonto wakiilka loo soo Magacaabo Soomaaliya.

1-dii Bishii Janaayo ee sanadkaan markii dowladda soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobay u joogay Soomaaliya ee Nicholas Haysom ayaa waxaa xumaaday xiriirka ka dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay,hayeeshaa haatan dib loo soo celinayo wallow QM weli asyan Soomaaliya Wakiil  u soo magacaabin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip