Dhimasho iyo dhaawac Boosaaso loogu geystay askar ilaalo u eheyd Taliyaha booliska Puntland.

0
24 May, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimasho iyo dhaawac Boosaaso loogu geystay askar ilaalo u eheyd Taliyaha booliska Puntland.

    Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa xalay weerar ay ka geysatay magaalada Boosaaso waxa ay ku dishay askari ka tirsan Ciidamada booliska Puntland, halka weerarka uu mid kale ku dhaawacmay, kaasoo xaaladiisa Caafimaad lagu dawenayo Isbitaalka weyn ee mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa xalay weerar ay ka geysatay magaalada Boosaaso waxa ay ku dishay askari ka tirsan Ciidamada booliska Puntland, halka weerarka uu mid kale ku dhaawacmay, kaasoo xaaladiisa Caafimaad lagu dawenayo Isbitaalka weyn ee magaalada.


Askartan, waxaa la helay iyagoo wada howlgal ay amniga ku xaqiijinayaan, iyadoo si gaadmo ah ay rasaas ugu fureen dabley Bistoolado ku hubeysan, iyadoo toogashada kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamada amaanka ayaa daqiiqado kadib gaaray halka weerarka uu ka dhacay, waxeyna sameeyeen howlgallo baaritaano ah, iyagoo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ay ku tuhmayaan iney kala shaqeeyeen kooxdii falka dilka iyo dhaawaca ah geysatay.

Askariga la dilay iyo midka la dhaawacay ayaa kamid ahaa ilalaada Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Puntland, waxaana Isbitaalka weyn ee Boosaaso ugu tagay Saraakiisha amaanka iyo mas’uuliyiinta gobolka.

Habeenimadii Khamiista ee toodbaadkii hore ayey eheyd markii Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasoo marayay aagga Saldhigga  Manjir, waxaana weerarkaas ku dhintay hal askari, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip