Sarkaal Maxamed Nuur oo la xukumay

0
08 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Maxamed Nuur oo la xukumay

    Garsoore ku sugan maxkamad ku taal magaalada Minneapolis ee gobolka Minisoto ee dalka ayaa xabsi 12 sano iyo bar ah ku xukumay Maxamed Nuur oo ahaa askari ka tirsan booliska Minneapolis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoore ku sugan maxkamad ku taal magaalada Minneapolis ee gobolka Minisoto ee dalka ayaa xabsi 12 sano iyo bar ah ku xukumay Maxamed Nuur oo ahaa askari ka tirsan booliska Minneapolis.


Maxamed Nuur ayaa asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya, waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii booliska ee Soomaalida ahaa ee ugu horreyay ee ka mid noqdo Booliska Mareykanka.

Guddi xeer-beegti ah oo  eegayay dacwad dil ah oo lagu soo oogay Maxamed Nuur  ayaa ku helay laba danbi oo dil ah.

Mid ka mid ah dambiyada lagu helay ayaa ah dilka darajada heerka saddexaad, waxaase lagu waayey dilka darajada heerka labaad, oo ciqaabtiisa ka badnaan lahayd Midkaan.

Maxamed Nuur ayaa loo haystay dilka gabar caddaan ah oo lagu magacaabay Justine Damond, oo u dhalatay dalka Australia.

Nuur ayaa dilay Justine Ruszczyk Damond  oo booliska wacday kadib markii ay baqdin dareentey 2017-kii.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip