Kenya oo qabatay Sun farabadan oo qaraxyada loo adeegsan karo

0
09 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo qabatay Sun farabadan oo qaraxyada loo adeegsan karo

    Booliska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Gaari Xamuul ah oo ka soo baxay Galbeedka dalkaas kuna sii jeeday caasimadda Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Gaari Xamuul ah oo ka soo baxay Galbeedka dalkaas kuna sii jeeday caasimadda Nairobi.

Gaariga oo uu la socday wadaha kaliya ayaa waxaa lagu qabtay 1,750 KG oo maaddada ammonium nitrate ah, waxaa kale oo lagu qabtay 50 xabbo oo fiilooyinka qaraxyada ah.

Booliska Magaalada  Bomet ee galbeedka Dalka Kenya ayaa xiray Wadihii iyo Gaarigiiba,waxaana ay sheegeen in Gaariga xamuulka ah ay leedahay sharikad kiimikaad oo lagu magacaabo Nitro Chemicals Company Ltd.

Naomi Ichami, oo ah Taliyaha Booliska ee degaankaas ayaa sheegay in suntan iyo fiilooyinka qaraxyada loola dan lahaa weerarro argagixiso oo laga geysto Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Joseph Wang’ombe oo 37 jir ah ayaa lagu qabtay Gaariga,markii la xirayayna ma sameyn wax diidmo ah,waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah Maxkamad la geeyo.

Booliska Kenya ayaa 1dii Bishan maalintii xuska Xorriyadda Kenya qabtay Adan Galhai,oo 22 jir ah,kaas oo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay dilka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka qeybgeliyay munaasibadda xuska ahayd.

Laamaha amaanka Kenya ayaa heegan sare la geliyay iyaga oo sheegay in ay heleen xogo sirdoon oo muujinaya weerarro ay AL-shabab ka qorsheynayaan gudaha Dalka Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip