Yuusuf Dabageed" Waare & Cali Guudlaawe ayaa amray in ley xiro"

0
09 June, 2019 in Wararka by
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Dabageed" Waare & Cali Guudlaawe ayaa amray in ley xiro"

    Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee uu Maalin ka hor xilka qaadista ku sameeyay ee Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee uu Maalin ka hor xilka qaadista ku sameeyay ee Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle.

Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Baladweyne ayuu sheegay in Madaxweyne kuxigeenka  Hir-Shabeelle ku amray ciidamada,millateriga Booliska iyo Nabad-sugida ee ku sugan baladweyne inay soo xiraan,balse aan la xiriri Karin.

"Waare iyo Cali guudlaawe xeritaankooda I qaba mayo,laakin waxaa inoo yaalla Sharciga,iyaga ayaana diidan inay keenaan Sharci lagu Shaqeeyo oo ay igu xiri karaan,waxaana ku dirireynaa sharciga iyo dastuurka Hir-Shabeelle aan ku Shaqeyno waaye ayuu yiri Yuusuf Dabageed”.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo dhamaan mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas ayuu sheegay inay dhaqaalo kasoo doonteen Magalada Baladweyne,isla markaana aysan shaacineyn waxyaabaha ay dadka Reer Hiiraan ugu qabanayaan.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa u muuqda mid uu ku diidan yahay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle,waxaana uu dalkbaday in khilaafkaan ay soo dhexgasho dowladda Federaalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip