AFKA SOOMAALIGA AH OO LAGU SOO BANDHIGAY MAGAALADA ZURICH DALKA SWITZERLAND L!LAAKIIN!!

0
16 June, 2019 in Maqaallo by
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AFKA SOOMAALIGA AH OO LAGU SOO BANDHIGAY MAGAALADA ZURICH DALKA SWITZERLAND L!LAAKIIN!!

    Soomaalida dalka Switzerland oo ka mid ah qurbajoogta ugu saamaynta badan dadka debedda ku nool ee ka soojeeda geeska Afrika oo alaabaana horwood ka ah barnaamijyada horumarinada dhaqanka iyo bulshadeedba, ayaa haatan xaflad aad u qurux badan oo ay s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida dalka Switzerland oo ka mid ah qurbajoogta ugu saamaynta badan dadka debedda ku nool ee ka soojeeda geeska Afrika oo alaabaana horwood ka ah barnaamijyada horumarinada dhaqanka iyo bulshadeedba, ayaa haatan xaflad aad u qurux badan oo ay soo agaasimeen cuqalada caqliga u saaxiibka iyo aqoonyahanada afmaaladu ku jiraan suugaanyahanadu ee uu u horeeyo abwaan C/Raxiin Galaydh gudaha xarunta ganacsiga magaalada Zurich lagu soo bandhigay buugaag cusubo Af-Soomaali ah, kuwaasoo loogu kala wanqalay 1:Bidhaamiye ee uu qoray fanaanka qaranka Abwaan Bashiir Cali Xuseen oo ka yimid waddanka Sweden 2:Godob iyo Gallad ee uu qoray Mudane Xuseen Wadaad oo isna ka yimid isla dalka Sweden iyo Gaso, Ganuun iyo Gasiin ee uu qoray Mudane Cali Jimcaale Axmed.

Kulanka faa'iidada badan leh waxaa sido kale ka soo qaybgalay kana hadlay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowlladda Federaalka Soomaaliya Dr Sadiiq Warfaa oo ka soo kicitamay caasimadda dalkeena ee Muqdisho, iyado sido kale Mudane C/Kariin Umal iyo Hoodo Deeqo Maxamed oo ka yimid waddanka Jarmalka ay madasha khudbado ka soo jeediyeen.


Waxaa munaasibaddan dadka badan isugu yimid ka muuqdayo kana hadlay Alfanaan Axmed Yaasiin, Fanaanadda Maryan Ruun iyo Hoballadda codka hallaansiga leh Caddey Cali oo ka wada tirsanaa Kooxdii qaranka ah ee Iftin, iyado fanaanadda Maandeeq Nuur Garaashna ay kaalinteedu qaadanaysay

Xafladdan oo martisharaf culculus iyo qaar fudfud oo meelo fogfog ka soo kala safray ay ka soo qaybgaleen isugu jira rag iyo dumarba, ayaa geesta kalana lagu casuumay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation ee hoggaaminayo madaxa guud ee saxaafadda Dr C/LLaahi IbraahinXasan Amaandhoorey, taasoo ku bilaabatay si habsami leh, waxaana madasha ka hadlay aqoonyahano kala duwan oo soo ajiibay martiqaadkan miisaanka leh.

Abwaan C/Rixiin Galaydh oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed islamarkaana abaabulka xafladdan kaalin wayn ku lahaa ayaa sharaxaad mugle ka baxshay bandhigga buugaaagta cusub ee Afka Soomaaliga.

Guntii iyo gabangabadii xafladdan oo dareen taxadar leh dhimirku ogolyahay miskexdu ku nasanayso ilaa iyo xad si dhagraaracnimo leh intii fadhiday goobtu inay dhamhinayeen wixii madasha ka socday shucuurtooda wajiyada aad looga fahmayay ayaa waxaa ay ku soo dhamaatay jawi heerkiisu aad u sareeyo.

Qofkii qori yaqaanaana qalinka loo dhiibaa qablankuna amar Alle laakiin!!
By:Adam Increase


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip