Dowladda Somaliya oo ka hadashay sababta Abwaan Singub loogu aasay Jigjiga

0
22 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somaliya oo ka hadashay sababta Abwaan Singub loogu aasay Jigjiga

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Singub loogu aasay Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad Degaanka Soomaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Singub loogu aasay Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad Degaanka Soomaalida.


Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ahaa Guddi loo saaray in ay aas qaran u sameeyaan Abwaan Singub ayaa u sheegay VOA in Qoyska Awaanka ay codsadeen in  lagu aaso Jigjiga.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Madaxweynaha, Ra’isalwasaaraha iyo Xubno wasiirro ah oo guddiga ku jiray  ay aqbaleen soo jeedinta Qoyska.

Waxaa kale oo uu Wasiirku sheegay in aaska Marxuum Singub ay dowladda Federaalka ah u dirtay Wafdi halkaasna uga qeybgalay.

Allaha u naxariistee Abwaan Singub ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku geeeriyooday Magaalada Adis ababa ee Caasimadda Itoobiya waxaana Jimcihii shalay lagu aasay Magaalada Jigjiga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip