8-qof oo Lagu dhaawacay Dagmada Cadale ee Gobolka Shabelaha Dhexe

0
22 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    8-qof oo Lagu dhaawacay Dagmada Cadale ee Gobolka Shabelaha Dhexe

    Ugu yaraan 8-qof ayaa ku dhaawacmay rasaas ay kooxo hubeysan hubiyeen gaari ay ku safrayeen dad shacab ah oo marayey Dagmada cadale ee Gobolka shabelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 8-qof ayaa ku dhaawacmay rasaas ay kooxo hubeysan hubiyeen gaari ay ku safrayeen dad shacab ah oo marayey Dagmada cadale ee Gobolka shabelaha dhexe.


Gaariga la rasaaseeyey ayaa ahaa gaari rakaab siday waxa uuna kusoo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya.

Kooxda burcadda ah ayaa gaarigaan ku furay rasaasta kadib markii uu dhaafay bar kontrol oo ay ku qaadayeen lacago laga qaado gaadiidka ku safro waddadaas.

Goob jooge lahadlay BANA ayaa sheegay in dhaawacyada soo gaaray dadkaasi rakaabka ah uu ahaa mid fudud.

Goobjoogahan ayaa  sidoo kale sheegay in dhaawacyadan loo daabulay magaalada Cadale si halkaas loogu dabiibo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip