Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay Shirkaddo Shidaal baaris ah

0
22 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay Shirkaddo Shidaal baaris ah

    Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyaan heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyaan heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa.


Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka.

Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya.

"Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa  jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka.

"Tani waxa ay muujineysaa in wadanka ay xasilooni ka jirto, taasi oo Soomaaliya guul u soo hooyatay ay u tahay, waana tallaabo lagu farxo in shirkado caalami ah oo sidan u waa weyn ay diyaar u noqdaan inay dalka dib ugu soo laabtaan” ayuu yiiri Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip