Madaxweyne Xaaf oo diiday in uu la kulmo Wafdigii ka socday dowladda

0
22 June, 2019 in Wararka by
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xaaf oo diiday in uu la kulmo Wafdigii ka socday dowladda

    Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda maamulka Galmudug.


Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa sheegay in uusan la kulmi doonin Wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maadaama uu si sharci daro ah ay kusoo galeen Magaalada Dhuusamareeb.

Xaaf ayaa hadda Magaalada kulamo kala duwan kula leh Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo laga soo doorto Magaalada Dhuusamareeb.

Kulamadda ayaa looga hadlaya sidii Madaxweyne Xaaf uu u aqbali lahaa Wadahadal uu la galo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xaalad jahwareer ah ayaa ka taagan Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug tan iyo markii uu tagay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip