XAFLAD DHAQAALA-URURIN AH OO XALAY LAGU QABTAY DALKA SWITZERLAND LAAKIIN!!

0
23 June, 2019 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAFLAD DHAQAALA-URURIN AH OO XALAY LAGU QABTAY DALKA SWITZERLAND LAAKIIN!!

    Xafladdan dhaqaala-ururinta xalatoole ka dhacday xarunta ganacsiga Magaalada Zurich ee waddanka Switzerland oo agaasinkeedu ay lahaayeen hawlwadeenada sunduuqa samafalka Alpha Trust ayna ka soo qaybgaleen bulshada qaybaheega kala duwan ee Soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladdan dhaqaala-ururinta xalatoole ka dhacday xarunta ganacsiga Magaalada Zurich ee waddanka Switzerland oo agaasinkeedu ay lahaayeen hawlwadeenada sunduuqa samafalka Alpha Trust ayna ka soo qaybgaleen bulshada qaybaheega kala duwan ee Soomaalida ku dhaqan dalka Swisska iyo qaar banaanka ka yimidba, ayaa waxaa madasha ka hadlay martida iyo martigeliyaasha sida:-Mudane Bashiir Goobdoon, Mudane Casharo, Alfanaan Axmed Yaasiin, Haliima Culusow iyo Maxamed Siciid Asaxaf oo xiriirinta barnaamijka waday iyo gudoonka ururkan samafalka Alpha Trust Mudane Kulmiye.

Xafladdan oo si rasmi ah loogu casuumay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern Media Co-Operation, waxaa masraxa magaciisa laga nadiyay oo khudbad qalbiga taabanaysa goobta dadka hortooda ka jeediyay madaxa guud ee saxaafadda ku bohowday Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo ay tiimkiisu ee uu hoggaaminayo ay garab socdeen sida wariye sare Fahad Maxamed Abuukar abowasharow iyo wariyaha jugta culus suxufiga lugeeya ee Ustad Adam Increase.



Intii ay xafladdani aadka u nadaamsan socotay gaws u raaxayn dabadeed, waxaa masraxa heeso Afka Soomaaliga Maayga iyo Maxaguba ka qaaday hobollada qaranka codka hallaansiga leh Caddey Cali iyo Maandeeq Nuur Garaash ee uu geesta kalana ku wehliyay heesidda fanaanka cusub Somjeey, waxaana munaasibaddan u muuqatay mid qayri ah ay ku soo idlaatay jawi aad u heersareeya.

Alpha Trust oo ah hay'ad, ama urur samafal ah oo fadhigiisu yahay waddanka UK, ayaa gudaha dalkeeni Soomaaliya ka fuliya mashaariic farabadan oo mutadawacnima ah sida ceel-qodis, indhafiiqid, ladagaalanka-abaarta, dugsi ama iskuul-dhisid iyo guud ahaan u kaalmaynta dadka danyarta ah oo dowllad buuxdo damaanadqaadda aysan jirin ku dhowaad teeriyo 30-kii sano u dambeeyay ooynu gadaal u soo eegnay joogadeena maanta.

Qof walibana intuu gaystay ayuunbuuna godkii la galayaa dunidan gaaban amar Alle laakiin!!
B:Ustad Adam Increase


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip