Xaaf oo aqbalay Doorashada Galmudug Bisha Luuliyo, kana baxay heshiiskii uu la galay Ahlu Sunna. (Warsaxaafadeed).

0
24 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaf oo aqbalay Doorashada Galmudug Bisha Luuliyo, kana baxay heshiiskii uu la galay Ahlu Sunna. (Warsaxaafadeed).

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Warsaxaafadeed soo saaray waxa uu ku aqbalay waqtiga wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya u muddeysay Doorashada Galmudug ee bisha Luuliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Warsaxaafadeed soo saaray waxa uu ku aqbalay waqtiga wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya u muddeysay Doorashada Galmudug ee bisha Luuliyo.
Xaaf ayaa sheegay in uu ka laabtay ama laalay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu sunna ay ku midoobeen ee ka dhacay dalka Jabuuti, waxaana uu madaxda Ahlu sunna uu ku eedeeyay in aysan tixgelin waxyaabihii ay kala saxiixdeen.

Madaxweynaha Galmudug oo gelinkii dambe shalay isaga baxay Magaalada Dhuusamareeb kadib markii uu diiday in uu la kulmo wafdiga Xukuumadda waxa uu caga-dhigtay Deegaanka Godinlabe.


Maanta ayaa la filaa in uu u ambabaxo Magaalada Cadaado oo uusan tagin ku dhowaad sanad, kuna sugan yihiin Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Odoyaasha dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiiru ku taageeray Mowqifkii uu kaga hor yimid Doorashada Galmudug waxa uu xalay kula kulmay Godinlabe, ugu dambeyn waxa uu soo saaray go’aankaan.

Sidaan ayuu u qornaa Warka kasoo baxay Madaxweyne Xaaf:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Markuu arkay: Qodobka 50aad, faqradiisa 6aad, 9aad iyo 10aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug;

Markuu arkay: Axdi la’aanta Ahlu-Sunna Waljamaaca ay si xurma la’aan ah u muujiyeen;

Markuu arkay: Damaca iyo sad bursiga aan dhamaaneyn ee Ahlu-Sunna Waljamaaca;

Markuu garwaasaday: Ahmiyadda ay leedahay ilaalinta dastuurka iyo heshiisyada Galmudug;

Markuu latashaday: Odoyaasha iyo Waxgaradka beelaha dega Galmudug;

Wuxuu Xeeriyey;

Qodobka 1aad

    In uu buray heshiiskii Jabuuti ee Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljamaca oo lagu saxiixay Muqdisho 06/12/2017.
    In laqabto Doorashadii Dowlad Goboleedka Galmudug.
    In Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha kawada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashada iyo dib uheshiisiinta.
    In ay dhamaatay kala aragti duwanaan shihii Dowladda Federaalka iyo Galmudug.
    In doorashadu ka dhacdo caasimadda kumeelgaarka ah ee Cadaado.

Qodobka 2aad

Ayadoo la eegayo qodobka 1aad ee kor ku xusan waxaa buray gabi ahaan wax kasta oo heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-Sunna ka dhashay oo ay ka mid tahay:

    Badalidda astaanta Galmudug
    Badalidda Dastuurka Galmudug
    Dhismaha Madaxa Xukuumadda
    Badalkii Gudoomiyihii Baarlamaanka iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii
    Isku darka Golaha Baarlamaanka
    Dhismaha Golahii Wasiirada cusbaa

Qodobka 3aad

Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip