Booliska Somaliya oo sheegay in la xirayo waddooyinka Muqdisho

0
24 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliya oo sheegay in la xirayo waddooyinka Muqdisho

    Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in la adkeynayo amniga Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in la adkeynayo amniga Magaalada Muqdisho.
Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in iyada oo loo diyaar garoobayo Xuska Todobaadka Xorriyadda oo billaabanaya Taladada la adkeynayo amniga Magaalada.

Zakiya ayaa shacabka Muqdisho ka codsatay in ay dulqaataan islamarkaana hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga Muqdisho.

Waxaa ay shacabka Muqdisho ugu baaqday in ay Ciidamada amaanka kala xiriiraan nambar gaaban oo uu booliska u sameeyay dadweynaha.


Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Amniha Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in dhagxaanta lagu jaray jidadka Muqdisho la furayo islamarkaana amniga loo sugayo qaab casri ah oo aan shacabka caburineyn.

Muqdisho Waddooyinkeeda waxaa horay loo xiray 31kii March 2019,waxaana Hay’adaha amaanka dhagxaan ku jareen Waddooyinka muhiimka ah iyada oo inta badan Gaadiidka dadweynaha kala wareegaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip