Wakiilka Cusub ee QM oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

0
25 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Cusub ee QM oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

    Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta soo gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay u soo Magacaawday soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta soo gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay u soo Magacaawday soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed ku saabsan imaanshaha Muqdisho ee Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay.

James Swan ayaa maanta yimid Muqdisho is uu ula wareego waajibaadka xilkiisa isagoo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Diblomaasiga rug-cadaaga ah, ee u dhashay Dalka Maraykanka, ayaa xilkan loo magacaabay 30kii May 2019 wuxuuna Qaramada Midoobay kusoo biirinayaa khibrad baaxad ballaaran uu u leeyahay dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya. Hawshii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ka qabtay waxay ahayd 25 sano ka-hor markas oo uu ahaa Sarkaal qaabilsan Arrimaha Siyaasadda oo ka tirsanaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 1994kii ilaa 1996kii.

Waqtiyadii u dambeeyay, Md. Swan ayaa shaqaynayay isagoo ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika muddadii 2007dii-2008dii, wuxuu soo noqday Danjiraha Dowladda Mareykanka u qaabilsan Djibouti muddadii u dhaxaysay 2008dii iyo 2011kii, wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya 2011kii ilaa 2013kii. Wuxuu soo dhameystay xirfadiisii shaqo ee uu ka hayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu ka ahaa Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Congo, isagoo xilkaas hayay laga billaabo 2013kii ilaa 2016kii.

"Waxaan rajeynayaa in mar kale aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed ee adkeysiga leh oo aan si iskaashi leh ula shaqeeyo madaxdooda,” ayuu yiri Md. Swan. "Khibradeydii hore ee Soomaaliya waxay ahayd mid khusaysay xil laba-geesood ah, laakiin hadda waxaa sharaf ii ah oo mas’uuliyad iga saarantahay in aan dalka wakiil uga noqdo Qaramada Midoobay, iyo weliba guud ahaan beesha caalamka. Waxaan ku faraxsanahay wada-shaqaynta aan la yeelanayo saaxiibada dalka iyo kuwa caalamka si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan nabadda iyo barwaaqada ay sida aadka ah u mudanyihiin dadka Soomaaliyeed.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip