Ciidamo la wareegay guriga guddoomiyihii hore ee degmada Cabdicasiis

0
26 June, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo la wareegay guriga guddoomiyihii hore ee degmada Cabdicasiis

    Ciidamo Boolis ah ayaa la wareegay guri uu ka degenaa degmada Cabdicasiis guddoomiyihii hore ee degmadaas Sharma'arke Maxamed Ladane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Boolis ah ayaa la wareegay guri uu ka degenaa degmada Cabdicasiis guddoomiyihii hore ee degmadaas Sharma'arke Maxamed Ladane.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay gelinkii hore ee shalay ay weerareen gurigaas ayna ka kaxeysteen guddoomiyihii hore ee degmada Cabdicasiis Sharma’arke Ladane oo laga qaaday xilkaas bishii April ee sanadkan.

"Sharma’arke Ladane waxaa uu ku xirnaa saldhigga degmada Cabdicasiis muddo lix saacadood ah waxaana laga qaaday  gaarigiisa iyo taleefanadiisiiba.”ayuu yiri mid kamid ah ehelada Sharma’arke Ladane.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliska ay gaari weyn ku rareen dhamaan hantidii guriga tiil iyadoo booliskuna ay dhex degeen guriga.

Hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska degmada Cabdicasiis oo la xiriira sababaha ay ula wareegeen guriga guddoomiyihii hore ee degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip